Kadib maanta oo Axad ah ayaa waxa maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ay dhageysatay dacwada loo heystay Wariye C/casiis Koronto iyo haweyneydii sheegtay in la kufsaday ee Luul Cali Cusmaan.

Waxaa ka qeyb galay dhageysiga dacwada eedeysanayaashaasi wariyeyaasha dalka iyo dibadiisa ka howlgala,ergo ka socotay midowga Africa,xubnno katirsan baarlamaanka Somaliya gaar ahaan gudiga xuquuqul insaanka iyo dad kale oo kor joogto ka noqonayey dacwada iyo sida ay wax usoconayeen.
Muddo waxaa la sugayey garsoorka maxkamada Rafcaanka oo saacado badan ka maqnaa halkaasi hayeeshee markii uu yimid hadalo la dhageystay kadib ayaa waxa uu ku dhawaaqay go’aanka maxkamada racfaanka darajada 2aad ay qaadatay.
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka oo magaciisa lagu soo koobay Wariiri ayaa waxa uus heegay inay cadeymo markii aysan soo bandhigin dadka heystay Luul Cali cusmaan ay iska fasaxeen sidaasna lagu sii daayey.
Waxaa sidoo kale ay Maxkamada Racfaanka muddo lix bilood ah ku xukuntay Wariye C/casiis Koronto oo lagu heystay maxaa warkii aad usoo duubtay ubaahin weyday kaaso la sheegay inuu guriga dhigtay sidaana lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah.
Qaar ka mid ah dadkii maxkamada kusugnaa ayaa la yaabay waxay maxkamada ugu xukuntay Wariyaha lix bilood maadama isagoo aan baahin sidaan loogu xukumay kol hore sanad xarig ah hadana lagu heysaty maxaa ubaahin weyday.
Agaasimaha Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho Xasan Cali Geeseey oo halkaasi warbaahinta kula hadlay go’aanka maxkamada kadib ayaa waxa uu sheegay inay arintaan tahay mid wanaagsan uuna racfaan maxakamada Sare ee dalka uu ka qaatay wariyaha dhawaana ay rajeynayaan in dib xoriyadiisa uu uhelo wariye C/casiis Koronto.
10-kii Bishii Janaayo ayaa xabsiga la dhigay Wariye C/casiis C/nuur Koronto oo la sheegay inuu sharaf dil kusameeyey booliska Somaliyeed markii uu uwareystay haweyney sheegtay inay kufsadeen askar boolis ah taasi oo sababtay in hal sano bishii hore ee feberaayo lagu xukumo walaw maanta lix bilood laga qafiifiyey loogana dhigay lix bilood oo xarig ah.