heegantv

Ex Bar-kulan Hadda Bar-Majeerteen.
Aniga shalay ka hor Bar-Kulan inay tahay Bar Majeerteen daah baa iga saarnaa. Hase ahaatee waxba ma dhaanto baraha Website-yo Beleedka oo Codka Maamulka Garoowe ku hadla.

Bar-Kulan waxaay noqotay Idaacad fadhi ku dirir ah oo Beesha aan soo sheegnay Afkooda ku Hadasha. Kuwa Shaqaalaha ka ah waa kuwo Caqliyad Majeerteen oo Soomaali horay u nacday wali ku hadaaqaya.

Waxaa intaas ka sii daran UNKA aya Magaca Soomaaliyeed Malaayiin Dollar ku siisa Bar-Majeerteen.

Garoowe haddii aad Maalin wax ka Qortaan Maalinta Dambe Waa in aad wax ka Qortaan ama ka hadashaan: Hiiraan, Xarardheere, Galmudug, Soomaaliland, Baia iyo Bokool iyo .., iyo.

Barkulan waa Cod loogu talagalay Soomaali oo dhan! Idaacad Soomaaliyeed Baad hab Qabiil u Istcmaaleysaa.

Waxaad Tihiin dad KAANSARKA QABIILKU KU DHACAY. Ban-Kulan, ama waa la xiri AMA waxay noqon Idaacad Soomaaliyeed oo dhex dhexaad ah. Hoos ka fiiri caddaymaha:

http://www.bar-kulan.com/2013/05/16/puntland-congratulates-for-the-newly-jubbaland-elected-president/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/16/puntland-oo-u-hambalyeysay-axmed-madoobe/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/14/xibsiga-horseed-oo-boosaaso-ku-shiray/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/14/somalia-iom-assists-kenyans-stranded-in-bosaso-to-return-home/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/14/iom-oo-boosaaso-ka-dhoofineysa-kiinyaan-xannibnaa/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/13/garoowe-oo-looga-arrinsaday-xuquuqda-qaxootiga-ajaanibta-ah/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/13/a-two-day-consultation-meeting-on-media-law-reform-concluded-in-garowe/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/13/kulan-wada-tashi-ah-oo-ku-saabsanaa-sharciga-saxaafadda-puntland-oo-la-soo-afjaray/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/12/xildhibaanno-puntland-ah-oo-tababar-ku-qaatay-kampala/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/12/booliska-nugaal-oo-xakameynaya-hubka-sharci-darrada-ah/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/11/gaalkacyo-oo-ay-29857-arday-imtixaan-u-fariisatay/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/11/xeerka-warbaahinta-puntland-oo-garoowe-looga-shirayo/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/11/barnaamijka-ganacsiga-soomaaliya-369/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/10/former-puntland-president-accuses-current-administration-over-poor-management/

http://www.bar-kulan.com/2013/05/09/barnaamijka-ganacsiga-soomaaliya-368/

EX Barkulan hadaa Bar-Majeerteen.

Madaxmweyne: Maandeeq maalin laguma maalo!
MAANDEEQ Soomaalidu waxay ula baxdaa Dumarka, Xoolaha iyo wax walba oo ay aad ujecel yihiin, agtoodana qaali ah, oo uu ugu horreeyo Geelu. Eragu wuxuu iska saaran yahay labada eray ee: “MAAN” iyo “DEEQ” oo ka dhigan wax qofka maankiisa deeqay, maadaama maanku yahay xubinta ugu muhimsan ee Aadanaha hagta.

Waxyaabihii MAANDEEQ kaloo loo aqoonsaday waxaa ka mid ahaa XORRIYADDA. Haddaan Tusaale u soo qaaddano waagii Gobonnimo doonka ee lagu raadinayey dowladnimo, maamul iyo nidaam Soomaali hoggaanka u hayso ayaa Maandeeq loogu yeeri jiray XORRIYADDA ee wuxuu yiri. Waa halkuu Abwaan Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde “AUN” ka yiri:

Gumaysigu HASHUU naga dhacay, Een gurayey raadkeeda

Gaashaandhiggeedii HASHUU, Galowgu eedaamay

Gacmaa lagu muquunshaye xornimo, Noogumay garane

Garre iyo Guntane maalintay, Gees isugu boodey

Allaa noo gargaaree xornimo, Noogumay garane

Haddaba, weydiintaydu waa: maxaa DAWLADDA loogu mgacaabay MAANDEEQ? Illeen Soomaalidu DAWLAD ma jeclaane? Kama muhimsane, horta yaaba ku taliyey in magacan DAWLAD loo baxsho? Laga yaabee, inaad i tiara; waxaa looga jeeday in dawladdu wax wanaagsan tahay, haddana, waa hubaal inaan wanaaggeed la arag, iska daa in la xaqijiyo inay wanaasgan tehee.

Maanta MAANDEEQ waxaa madaxeeda ku magacaaban mudane Xasan Sheekh, taa awgeed, ayey ila dhaafi waysay inaan eraydan ku wajho isaga, kolleey iga waaya aragsan, haddana, af nooli hadal dhaafi waa.

KALI TALIYE Maxamed Siyaad Barre ayaa BARQO CAD la diray isagoo madax u ahaa ciidankii ugu awoodda badnaa Geeska Afrika. Inta ku hortaal eeg, wixii Dawlado ku meel gaar la soo dhisay, Dawladdii Carta, C/Qaasim iyo Prof Galayr buuqii laga dhalshay, waa lagu caana maalay, oo waxaa kursigii loo dhiibay Xasan Abshir Faarax, oo ka mid ah Dhakawyada Colaadda Soomaaliyeed ee xilliyadii burburka, sidoo kale Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna ku xigsaday, ka dib markii xilka laga qaaday Xasan Abshir.

Shirkii Kenya wuxuu dhalay Jabhadka ugu cimriga dheer Geeska Afrika, waan filaa inaad Xamar joogtay wixii dhacay kaaga sheekayn maayo. Waxaa xigay dalwaddii Shariif, mabda’ la’aan ka sokow, waxaa la degay musuq sayaasadeed iyo maalba. Ina Sharmarke heshiis dhagareedkii Gaalkacyo ka sokow markuu xilka ka dagayey laba Malyan oo Dollar ayuu hore u sii qaatay, malaha waa midda uu hadda Jubbooyinka ku qasayo.

Formaajo markii la magacaabay, in kasto oo uusan qudhiisa aragti la ammaano horey u qabin, maadaama uu buug uu qoray beelo Soomaaliyeed iyo madaxdii dalka soo martay ku aflagaaddeeyey, haddana, in xilka laga qaado, waxaa ku tookhay Mudane Faroole, isna waxaa xigsaday Gaas, kii horaba ka dar! Maxaa yeelay dadkaba wuxuu ka yaqannay Reer Bari, waa ninkii is hortagay aqoonsiga Maamulka Khaatumo State, waxaanse la yaabaa, marka aa arko Prof Galayr oo sidii Qawsaar Geeljire ah u dhaqmaya. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiara: “Hal diidaysaa geeday ku xoqoto ma waydo!”.

Maanta marxalad cusub ayaa la galay, dawlad walba caqabad ayey yeelatay oo ama ridday ama raadkeeda tirtirtay. Taada waxay eersan doontaa laba arrimood, oo mid ay la wadaagto kuwii hore midna u gaar ah, oo kala ah:

* FEDERALKA [BEELEYSIGA]

* DASTUUR DADBAN [DABRAN]

Kan hore waa kan Jubbooyinka ka socda, oo ay ku yeelatay dhawr madaxweyne wax ka yar 48 saacadood. Way iska caddayd inay sidaa wax ku dhammanayeen, waxaa sabab u ah faraglinta shisheeye ee ay ugu horreeyaan Kenya iyo Norway Itoobiyana ha moogaan.

Madaxweyne Wiilkii AANAS yare eed London ku aragtay wuxuu ku yiri: “MADAXWEYNE LAGU WADA AMMAANI MAAYEE, YAAN LAGU WADA CAAYIN!”.

Qaylada maanta baxaysa ee ku aaddan Dastuurka, Federalka iyo Maamul Goboleedyada, waxay badeshay eragii ahaa: “LOOMA DHAMMA!” oo mar walba ay ku hoos jiraan arrimaha kala ah:

* DANO SHISHEEYE

* DANO QOFEED

* DANO BEELEED

Isu gayn waxay isugu imaanayaan FASHILIN ka dhalay FASHAL ama FADHIIDNIMO jira! Waxaan uga jeedaa, markii hore way kuu ekayd inaad Axmed Madoobe Wasiir ka dhigto, adaaba albaabkii isku soo xiray, ee toban Wasiir ayaadba dhaafi waysay, adoo waliba ka tagay Wasaarado muhim ah sida Caafimaadka iyo Waxbarashashada. Marka aad ka gudubto caqabaddiisa aad bannaanka dhigto, ayey ahayd mase dhicin, dib u fiiri, dawladdii C/laahi Yuusuf, ama tii Shariif, waxaa sal u ahaa QABQABLE iyo WADAAD, muddo ka dibna waa la wada xaaqay.

Hadda tallaabada ugu muhim waa; in ama uu IS CASILO ama aad adigu XILKA KA QAADDO Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka c/kariim Xuseen Guuleed. Maxaa yeelay isaga ayey ahayd inaw kala furufuro hawlahann, iyana ma dhicin, wali waa taagan tehee, isaga ka billow tallaabada ugu horraysa.

Kaa kaliya ma ahan, waxaa aad lagaaga yaabay marka aad wali baalka ugu haysato Mudane Tarzan. Xilka uu hayo in la kala qaado oo laba qof loo dhiibo waa muhim xaaladda lagu jiro awgeed. Midda lala sii yaabay baa ah waxa aad la sugtay Shariif Shuukhunaa Maye oo gurigiisa laga helay hub Sharci darro ah, hadduu qabqable ahaa waaba la garan karay, balse, wuxuu ahaa Taliyihii Booliska Soomaaliyeed. Waxay ka dhigantahay Halkay Soomaalidu ka dhihi jirtey: “Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo!”.

Mooshin ku sheegga Guddoonka Baarlamaanka loo gudbiyey kuwa geeyey waa gayru masuuliine, waxaa MUQADDAS ah in magacyadooda iyo beelaha ay ka soo jeedaan la sheego, maxaa yeelay Beel ayey matalaane shacab iyo umad ma matalaan! Haddii ay noqoto inay beel gaar ah u bataan, waa in beesha odayaashooda loo gudbiyaa cabasho ka dhan, hadday iyagu tabanayaanna waa inay soo gudbiyaan, ee ma ahan inay mooshin ku dhuuntaan. Waxaa la yiri: “Doqoni xin mooyee xisaab ma taqaan!”. Xildhibaannada Mooshinka wadaana waa qaabkaas. Haddaad hungurooto waa la hadlaa, hab baa la dhisaa wax lagu helo. Inta hungurigu wado waxay kala yihiin:

* XIL SUGAYAAL; Damaaci ah inay xilal ka helaan hadii xukuumaddani dhacdo, tan dambee la soo dhisayo.

* XASARADLEEY; U taagan dharaar iyo habeen in colaaddo aysan damin, dhiiggooda ayaa ku shaqeeya, haddii kale WADNAHA ayaa istaagaya!

* LAALUUSHLEEY; Doonayo inay soo nooleeyaan hannaankii MOOSHINKA MAALKA!

* MURANLEEY; iska jecel in is qabqabsi iyo is afgarad la’aani jirto mar walba.

Waxaa LIX BILOOD la sugay si uu u soo ifbaxo KHILAAF adiga iyo Saacid, ama Saacid IYO Jawaari, am adiga iyo Jawarim markii la arkay in aysan soo socon khilaaf oo aad tihiin [KOOX QURA] ONE-TEAM, ayey dani bidday inay BANNAANKA is keenaan, iyagoo ku soo daba gabbanaya cabanashooyin beelo kale qabaan, iskuna soo dhex qariyeen.

Laakiin umadda Soomaaliyeed markaan tooshka ayay ku wada haysaa, waana la fahansan yahay arrinta Jubbaland waxa qasaya oo dabada ka riixaya. U fiirso: CUMAR CABDIRASHIID, FAROOLE, CABDI WELI GAAS CADDE MUUSE iyo qaar kaloo badan oo Malaa’ig iska dhigaya! Ayna ugu horrayso SAHAL iyo TV-yada saacadaha ka soo gala

Magaalooyinka Minnneapolis, iyo San Paolo, ee Gobolka Minnesota, balse ku hadla had iyo jeer afkaarta reer qura.

Mudane Madaxweyne hana u joojin dadka danaystayaasha ah ee ay ku fogaatay qabyaaladda iyo qabiilku, ee gabbaadna ka dhigta FEDERAALKA.

Ma tihid Malag danbi la’aan ah, balse cabashada maanta yeeraysa ma aha mid SHARCI ah. Waxaa ka marag kacay Xildhibaan Xoosh, oo ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka, oo yiri: “Waxa Ka Socda Magaalada Kismaayo Ma Waafaqsana Dastuurka!”.

Maahmaah ayaa leh: “Nin Xaaskaada u jeeda Gabadhaada kuma qanco!” oo la mid ah Faroole iyo inta la fekerka ah inay xil helaan ma ahan si kale kuma qancaan! xitaa ma gartaan inay afartaan sano sugtaan, inta ay wayn lahaayeen waxay ka xigaan in Soomaali IS LAYSO! La kala Aamin BAXO! La kala GUURO!

MOOSHINADDA socdaa waa KU MEEL GAARKII dib loogu LAABTO! Waxayse halmaameen in KU MEEL GAARKII looga baxay: Sabarka SHARIIF ee JILJILEECU la socday + DALLAALNIMADII SHARIIF SAKIIN + ISKA FIIRSIGII SOOMAALIDA KALE + DAALKII DUNIDA IYO CAALAMKA oo ay ka ahayd bal hal mar na mootiya, oo KU MEEL GAARKA dhammeeya. Hubaal Soomaaliya inaysan wayn doonin waddani dhab ah oo gadaal ka saxa qaladaadkan iyo damaca foosha xun ee jira!

Mudane Madaxweyne, haddii aadan la imaan KARTI, DULQAAD badan, DABACSANAAN Wallee inaadan geeddiga MAANDEEQ meel dheer gaarsiinayn! Taa macnaheedu ma ahan, inaad Rikaatto walba u nuglaato, ee waa in ninkii cabasho xaq ah wata aad dhagaysatid waxna ka qabatid.

Maanka ku hay, Maamul waxaa dhaama ama halleeya waa inta hoos ka shaqaysa, intiinna sare wax aadnaan ogayn ama ka warqabin ayaa hoostiinna laga laaqayaa, u badi inay xumaan iyo xasarad abuur kaliya tahay. Marka waa inaad lahaataan dareenno dheeraad ah oo aad ku ogaataan inta qaska wadda.

Ka muhimsane, Mudane Madaxweyne dawladdaada dalwad ka awood badan burburkii ka dib lama dhihin. Haddaba, waa inaad awooddaa ku adeegataa, adoon cidna ku gardarroonayn kuna xadgudbayn. Waana inaad ka billowdaa in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa ood ku summaddaan QASWADAYAAL, illeen haddaan taladiinu meelmarin meesha maxaad ku haysaan?!

Taa adigu eed kuma lihid, oo hortaa baa la jideeyey, marka waa uun SUNNO jirtay oo aad dabbaqday. Waxaa iila yaab badan kuwa maanta ka mudaharaadaya deegaanka Bari jacayl ay u qabaan Jubbooyinka ma ahane, dantooda ayey ka dhex arkeen, markuu Faroole lahaa Soomaali Galbeed Soomaali ma ahan, ee uu Itoobiya u gacan galinayey qofna kama hadal, waaba ku taageersanaayeen, dadka gacan galinta mudnaa lahaa Axmed Madoobe ayaa ka mid ah, balse, maanta waa lagu Awr kacsanayaa, Allaw doqoni damiinsanaa!

Suuragal ma ahan mana la qaadan karo in maalin walba WAFDI DAWLADDA ka socda iyo MASUULIIYIN laga celsho Garoonka Magaalada Kismaayo. Iska daa Mudane xil hayee Muwaadin Soomaaliyeed ee aan Dambiile ahayn in laga celshaa qalad ah, idinkuna waad ku fiirsateen. Kaaga darane, ninka waxaa samaynayaa wuxuu ka soo boqooleey Soomaali Galbeed.

Axmed Madoobe wuxuu ka mid ahaa WADAADADII WAALLIDA WADAY! Waxaan sidaa u leeyahay wuxuu ku jiray firxadkii Maxkamadaha, ka dib ayaa isagoo dhaawac ah Xabashidu qabteen, inta la soo daweeyey ayaa dib loogu soo celiyey Jubbooyinka.

Maanta waxay taagan yihiin Maamulkaa wuxuu xarun u noqon karaa Mucaaradka Itoobiya, sidaa awgeed waa in laga hortagaa. Tani waxay keenaysaa in laga faa’iidaysto ka biya diidka Itoobiya, illeen waxa halkaa ka soo socdaa waa hubaal inaysan dan Soomaali ku jirine.

Bashiir M. Xersi

Saraakiisha IGAD ee Kismaayo ku sugan oo la kulmaya mid kamid ah madaxweynayaasa ugu Saameynta Badan Jubaland.
Wararaka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in wafdiga ka socda IGAD oo dhawaanahaan safaro ku marayay Magaalada Muqdisho iyo Kismaayo ay manta la kulmayaan Barre Hiiraale.

Wafdiga ayaa shalay waxa ay kulamo la qaateen Maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe, iyo odyaashii dhaqanka ee soo doortay iyaga oo subaxaanna doonaya in ay dhanka kale wax la meel dhigaan, si xaqiiqada magaalada ka jirta ay u helaan.

Coll Barre Hiiraale iyo Taageerayaashiisa iyo dhaman qolyaha soo doortay oo aaminsan in uu yahay madaxeynaha xaqa ah ee Jubalnad ayaa wxa ay sheegeen in kulankaasi IGAD ay la yeelan doonto ay ka soo bixi doonaan waxyaaba muhiim u ah bulshada degaanka.

Suldaan Maxamed Bashiir Madoobe Yaroow oo kamid ah odayaashii u doortay Coll Barre Hiiraale madaxweynaha Jubaland aya waxa uu sheegay in ay kala hadli doonaan wafdiga IGAD arimo badan oo ku saabsan Jubbooyinka.

Shirkad ku taal caasimadda Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabta, ayaa shaqaalaheeda ka mannuucday inay goobta
Shirkad ku taal caasimadda Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabta, ayaa shaqaalaheeda ka mannuucday inay goobta shaqada la galaan telefoonnadooda gacanta ee gaarka ah, waxaanay masuuliyiinta shirkaddaasi ku hanjabeen in qofka lagu qabto isagoo ka jawaabaya moobilkiisa uu shaqada waayi doono.

Shirkaddan oo magaceeda la qariyey ayaa shaqaalaheeda la socodsiiyey in moobillada laga ururinano marka ay shaqada galaan, isla markaana lagu ridayo meelo gaar ah oo hadhow markay shaqadooda ka baxaan looga saraayo, waxana ogaysiisan gidaarrada xarunta shirkadda lagu dhejiyey bil ka hor, iyadoo dhammaan shaqaalaha

amar lagu siiyey inuu telefoonkiisa gacanta kaga dultago miis loo qoondeeyey, kadibna lagu qufuli doono khaanad gaar ah.

Hase ahaatee, waxa arrintaas cadho weyn ka muujiyey shaqaalaha shirkaddaas oo sheegay in tallaabadani tahay mid madaxdoodu ku farogelinayaan arrimahooda gaarka ah.

?Arrintan waa mid xun oo bani?aadaminimada ka soo horjeedda. Moobilka anigaa iska leh, waxaanan xaq u leeyahay inaan haysto, sidaan doonana u isticmaalo marka aan shaqada ku jiro, waayo ma nihin addoomo.? Sidaa waxa mareegta XPRESS u sheegay mid ka mid ah shaqaalaha shirkaddaas oo magaciisa qariyey.

Shirkadda amarkan ku soo rogtay shaqaalaheeda oo ddiiday in ay war rasmi ah ka soo saarto tallaabada ay ku kacday, ayaa haddana sarkaal ka tirsan maamulka shirkaddaasi waxa uu sheegay in aanay doonayn in shaqaalahoodu waqtiga lumiyaan, waxana ka mid ah hadalladiisii; ?Waa arrin ay xaq u leeyihiin inay telefoonnada u gaarka ah ka jawaabaan marka ay shaqada ku jiraan, laakiin annaguna siyaasad noo gaar ah ayaannu samaysannay, mana doonayno in qofna soo farageliyo arrimaha u gaarka ah shaqaalayahaga.?

?Dabcan haa, halkan waxaannu u joognaa inaannu shaqaysano, waqtigana lumin. Taas macnaheedu maaha in aanaan ka jawaabi karin telefoonnada noo gaarka ah. Buugga siyaasadda lagu soo rogay ma sheegayo in aan moobil la qaadan karin, balse waannu yaabnay markii ay afka nooga sheegeen in telefoonnadayada aannu miiska kaga dul tagno.? Sidaana waxa yidhi qof kale oo shaqaalaha shirkaddan ka tirsan.

Bandow xalay lagu soo rogay qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada Jowhar
Ciidamada ammaanka Jowhar ayaa xalay bandow ku soo rogay qeybo ka mid ah xaafadaha degmada Jowhar, kadib markii habeen hore uu ka dhacay qarax bam oo lagu weeraray saldhig ciidamada ku sugnaayeen.

Bandowgan ayaa la sheegay inuu saameeyay Laanta 3aad ee Xaafada Hantiwadaag, kadib markii maamulka uu ku eedeeyay in aanay kala shaqeyn ammaanka, isla markaana ay aheyd halka ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale Bandowga ayaa waxaa uu saameeyay xaafadaha kale oo si iskood u qaatay, iyadoo xalay fiidkii la xiray goobaha ganacsiga, waxaana dadka ka baqayeen in howl galada ciidamada ay wadaan lagu soo qab qabto.

Ciidamada ammaanka ayaa howl galo ay ka sameeyeen magaalada u soo qab qabtay dad dhowr ah oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen weerarkaas, inkastoo ehelada dadkii la qab qabtay ay sheegeen in aanay wax lug ah ku laheyn falkaas.

Maalmihii u dambeeyay ayaa degmada Jowhar waxaa ku soo korortay cabsi xaga ammaanka, kadib markii qarax aanay cidna wax ku noqon ka dhacay Xaafada Horseed, dad lagu dilay deegaanka Libiga iyo qarax bambaano oo habeen hore lagu weeraray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo markii u horeysay ka hadlay arrimaha Jubooyinka
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay arrimaha ka taagan Jubooyinka iyo Somaliland oo maanta ay u dabaal degeyso sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqeen in gooni isaga taageen Soomaaliya inteeda kale.

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu ka jeediyay Munaasabad uu xariga kaga jarayay Xarun Agoonta lagu xanaaneeyo oo ay hirgelisay Hey’ad ka tirsan dowladda Turkiga oo ku taal duleedka degmada Wadajir ayaa waxaa uu sheegay in arrimaha Kismaayo ka jira ay yihiin wixii ay in muddo ah ka digayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sharci daro ku tilmaamay maamuladii halkaas laga magacaabay, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay mar kale wixii dadaalo ah gacan ka geysato.

Waxaa uu sheegay in dadka ku nool Jubooyinka ay yihiin dad nabadeed, isagoo ku baaqay in aan wax colaad ah la gelin, sidoo kale waxaa uu xusay in dowladda wafdi ay ku jiraan saraakiil u dirtay si ay aanay wax colaad ah uga dhigin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM ay kala hadleen in aanay wax lug ah ku yeelan arrimaha xiisadaha ee ka taagan Kismaayo.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday arrimaha federaalka ayuu waxaa uu meel isaga riixay in dowladda aanay dooneyn federaalismka, hadalkaas uu yahay mid war xumo tashiil ah, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in aan lagu deg degin arrimaha federaalka, hadii kale ay fashil keeni doonto.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii cadiifad laga tago, waxaana uu ku tilmaamay shacabka reer Somaliland inay yihiin shacab aad u wanaagsan, isla markaana dowladda waxba ka hagran doonin, waxaa uu xusay in qiimo kasta ha ugu kacdee inay ka shaqeyn doonaan sidii dadka Soomaaliyed midnimadooda loo soo celin lahaa.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Qarax Bambaano iyo dilal ka dhacay magaalada Jowhar
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xalay Bam gacmeed lagu weeraray Xafiiska Xaafada Hantiwadaag looga arimiyo, iyadoo labo ruux shalay lagu dilay deegaanka Libiga ee duleedka magaalada Jowhar.

Sida ay sheegayaan wararka bam gacmeedka lagu tuuray Xafiiska Hantiwadaag ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka mid aheyd ilaalada Xaafiiska.

Weerarkan ayaa ah kii labaad oo xafiiskaas lagu qaado, iyadoo kol hore weerar loo adeegsaday rasaas lagu qaaday.

Afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada Jowhar ayaa leh Xafiisyo lagala socdo dhaq dhaqaaqa xaafadaaha.

Dhinaca kale shalay ayaa duleedka magaalada Jowhar lagu dilay labo ruux oo mid ka mid ah caan ka ahaa magaalada Jowhar oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Tacbaan.

Labada ruux ee la dilay ayaa la sheegay in dilkooda salka ku hayay arrimo is qab qabsi dhul beereed la isku hayay, iyadoo dilkooda ka dhacay beer ku taalay deegaanka Libiga.

Maamulka degmada Jowhar ayaan wali ka hadal dilkan oo laga cabsi qabo inay isu bedesho aanooyin qabiil.

Munaasabado loogu dabaal degayo 18-ka May oo saaka ka bilowday magaalooyinka Somaliland
Dabaal dega sanad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegatay markii Somaliland ku dhawaaqday inay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale ayaa saaka ka bilaabatay magaalooyinka Somaliland.

Kumanaan dadweyne ayaa saaka isugu soo baxay fagaarayaasha magaalooyinka Somaliland, iyagoo ku labisnaa dharka calanka, waxaana munaasabadan dabaal dega ee 18-ka May ay ka bedelan tahay kuwii hore.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa ka qeyb qaadanaya dabaal degan, iyagoo gaada ka ciyaar ku soo bandhigaya, waxaa wehliya Ardayda Iskuulada oo si saf ah wadooyinka u maraya.

Dabaal degyada ayaa waxay ka socdaan magaalada Hargeysa iyo Burco oo aheyd halkii laga iclaamiyay in Somaliland ay noqoto dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa la filayaa inay khudbado ka jeediyaan munaasabadahan ka socda magaalooyinka Somaliland.

Dabaal degan 18-ka May ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Somaliland xilligan siyaasadeeda arrimaha dibada ay mugdi gashay, isla markaana dhowaan diiday ka qeyb galka shirkii London, iyadoo wali aanay aqoonsi helin.

Taliska AMISOM oo ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamulada iska soo horjeeda ee laga dhisay Kismaayo
Taliska ciidamada AMISOM ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamulada iska soo horjeeda ee laga dhisayo magaalada Kismaayo, maalmo kadib markii ay soo baxeen Madaxweynayaal iskood is magacaabay iyo kuwo loo doortay.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay si dhow u eegayaan xaalada Kismaayo iyo arrimaha ka taagan.

“Arrinta Kismaayo si dhow ayaa u eegeynaa, isha ugu heynaa, arrimaha ka taagan, hadii ay dhacdo dhibaato waxaa diyaar u nahay inaan dhex galno”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Soomaaliya.

Kismaayo ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka socda Kenya oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, hase ahaatee waxay si dhow ula shaqeysaa Axmed Madoobe oo 15-kii bishan loo doortay Madaxweynaha Jubalanad.

Maamulada is bar bar yaaca ee Kismaayo looga dhawaaqayay ayaa murjiyay xaalada siyaasadeed ee deegaanada, iyadoo hadba shaqsi gurbaan loogu tumayo magaalada, waxaana jirta cabsi laga qabo inay isku dhacyo dhex maraan dhinacyada isku haya magaalada.

Wafdi ka socda IGAD oo Muqdisho xalay ku sugnaa oo ku wajahan Kismaayo lana kulmaya madaxweynayaasha faraha badan.
Waxaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan wafdi ka socda IGAD magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobalka J/hoose iyo maamulka Jubaland ee madaxweynayaasha badan Wafdigaan ayaa waxa ay yihiin kuwa xaqiiqa raadin ah oo lafilaayo in ay ku celiyaan oo ay hor-geeyaan shirka bishaan aakhirkeeda ay ku yeelanayaan madaxda IGAD dalka Ethioipa wixii akhbaar ah ee ay xaqiijiyaan inta ay ku guda jiraan socdaalkooda. Xoghayayah guud ee IGAD oo hogaaminaya wufuuda oo shalay madaxweynaha Soomaaliya la kulmay ayaa waxa uu taageeray midnimada Soomaaliya. Bishaan bilaawgeedii ayaa waxaa ka dhacay dalka Ethiopia kulan ay yeesheen madaxda IGAD kaas oo lagu go’aamiyay in IGAD ay Soomaaliya uga danbeyso maamul u sameynta gobalada taageerana ku siiso dowlada wixii ttasiilaad ah oo ay uga baahato. Lama oga waxa uu ku soo kordhin doono xaalada cakiran ee Kismaayo socdaalka wufuuda IGAD ee lafilayo in ay halkaasi u gaaraan xaalada xaqiiqa raadinta ah.